Faah Faahin dil ka dhacay Beledweyne

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan rag hubeysan oo Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ku dilay Nin aad looga yaqaanay gudaha Magaalada, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Kooxo hubeysan ay Hoygiisa oo ku yaalla Xaafada Howl-Wadaag ee Magaalada Beledweyne ku weerareen Nin Magaciisa lagu sheegay Xuseen Dhurwaa, isla markaana is rasaaseyn dhex-martay isaga iyo Kooxda hubeysan ay dileen.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Ninkaasi la dilay,waxaana wararka ay sheegayaan in uu ka mid ahaa hoggaamiyaasha Kooxda Macawiisleyda ee dagaalka kula jiro Al-Shabaab halka wararka qaar ay sheegayaan in uu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in is rasaaseynta dhex-martay Kooxda hubeysan iyo Ninka la dilay uu dhaawac kasoo gaaray dhowr qofood oo ay ku jiraan Hooyo iyo Gabadheeda, kuwaas oo la geeyay Isbtaalka Magaalada Beledweyne.

Ciidamo ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan Kooxihii dilka geystay ka sameeyay Xaafada Howl-Wadaag ee Magaalada Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa kusoo kordhay falal amni darro, iyada oo la dilay mas’uuliyiin iyo askar ka tirsan Ciidamada Dowladda & kuwa Booliska Hir-Shabeelle.