Qoorqoor oo hortagaya golaha Aqalka Sare

Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la yeelanaya Gudiga Joogtada ah ee Aqalka Sare .

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlaya arimaha doorashooyinka ,marxalada kala guurka ah ee uu dalka maraayo , iyo is xog wareysi guud oo ku saabsan wax yaabihii golaha uqabsoomay mudadii ay xilka haayeen .

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa ku wargaliyay Guddiga joogtada ah in ay soo xaadiraan kulanka.

Aqalka Sare ayaa khilaaf xooggan kala dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo oo ay horay ugu eedeeyeen in uu baalmaray Sharciga.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa horay Khudbado ugu jeediyeen Aqalka Sare.