Taliska Ciidanka Xooga Oo Sheegay in laqadayo howlgalo ka dhan ah Alshabaab

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage.

Madaxweynaha ayaa taliyaha kala hadlay sidii Ciidanka xooga dalka ay ka qeyb uga qaadan lahaayeen sidii loo furi lahaa wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab ee ku yaalla degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in dhawaan Ciidanka xoogga dalka qeybta degaanada maamulka Koonfur Galbeed ay bilaabi doonaan sidii loo furi lahaa wadooyinka isku xira degmooyinka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay qorsheyeen howlgal Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay ka jooggaan gobolka Shabeellaha Hoose, oo maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen howlgallo.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Taliyaha uga mahadceliyey Booqashada ugu yimid waxaana uu bogaadiyey Howlgalada ay wadaan Ciidanka Xooga Dalka .