Ciidanka Amanka Beledweyne Oo howgalo ku Soo qabtay Waxyabaha Maanka dooriya

Ciidanka boliiska Magaalada Beledweyne ayaa gacanta ku dhigay dhalooyin Khamro ah oo gaaraya 197 oo lagu qariyay qalab ganacsi,isla markaana loo waday Magaalada Muqdisho.

Laamaha amniga ayaa Qamrigaan ku gubay goob fagaaro ah oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta gobolka oo ay ugu horreeyaan maayarka magaalada,guddoomiyaha maxkamadda gobolka,taliyaha saldhigga boliiska Beledweyne iyo taliyaha qeybta boliiska gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka C/raxiin Taakoy iyo maayarka magaalada ayaa boggaadiyay shaqada ay qabteen ciidanka boliiska magaalada Beledweyne.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in maxkamadda loo gudbin doono eedeysanayaashi lagu soo qabtay maandooriyahaan halista ku ah bulshada.