100 qof oo lagu dilay banaanbax looga soo horjeeday Madaxweyne Alpha Conde

In ka badan 90 qof ayaa lagu dilay rabshadaha ka dhanka ah mudaaharaadyada looga soo horjeedo madaxweynaha Guinea Alpha Conde si uu mar saddexaad isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha dalkaasi.

82-jirkan ayaa u tartamaya dib u doorashada 18-ka Oktoobar, ka dib markii uu badalay dastuur cusub bishii Maarso oo dadka naqdiya ay ku tilmaameen in loogu talagalay in lagu dhinac maro xadka dalkaasi ee ah in Madaxweynaha uu tartami karo labo xilli oo kaliyah.

Dibadbaxyada ayaa inta badan isu rogay gacan ka hadal, hase yeeshee, tobanaan ayaa la dilay. Afti dastuurka loo qaaday bishii Maarso ayaa sidoo kale rabshado hareeyay.

Isniintii, isbahaysiga ka soo horjeedka Conde ee FNDC wuxuu daabacay tiro ka kooban 92 mudaharaadayaal ah oo la diley tan iyo bilowgii dibadbaxyada.

Ilaa 45 ka mid ah dibadbaxayaashaas ayaa la toogtay sidda Mucaaradka ay sheegeen