Shariif Oo ku wajahan Jowhar

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabeelle sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Waxaa uu maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Nairobi ka dib markii Safar Muddo qaatay uu ugu maqnaa dalalka Turkiga iyo imaaraadka Carabta.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socoto howlaha lagu soo xulayo Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle, dhowaanna ay ka dhici doonto doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in Shariif Svbheekh Axmed uu qorshenaayo in uu sameyn ku yeesho soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle.

Siyaasiyiin kasoo jeedda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku eedeenaayay dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay guud ahaan la wareegtay hanaanka dhismaha maamulka Hirshabeelle.