Qarax ka dhacay Ciraaq

Wararka Ka imaanaya Dalka Ciraaq ayaa sheegtaya in Saaka diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay weerareen goobo ka mid ah xarumaha taliska ciidamada qalabka sida ee Ciraaq, sida ay qoreen qaar kamid ah Warbaahinta gudaha Dalkaasi.

Al-Mayadeen ayaa soo wariyay in dhowr qarax laga maqlay deegaanka Jurf al-Sakhar ee ka tirsan gobolka Babil, qaraxyadu ayaa waxaa ka dhasheen duqeymo xagga cirka ah oo aagga la bartilmaameedsaday ahaa xarunta taliska guud ee ciidamada qalabka sida ee Ciraaq.

Al-Jazeera wariyaha ugasoo warama Dalkaasi ayaa  daqiiqado kadib markii qaraxyada la maqlay sheegay in Mareykanku duqeynayo goobo ku yaal aagga Jurf al-Sakhar. Al-Mayadeen oo soo xiganaya wariyaheeda ayaa sheegtay in diyaaradaha Mareykanka ay ka duulayeen deegaanka al Qaim oo dhaca xadka Ciraaq iyo Syria.

Wararkii ugu horreeyay ayaa sheegaya in weerarka lagu qaaday Jurf al-Sakhar ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Mareykanka.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qarax ay ka dheceen aagga  balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka la sheegay.

Wargeyska Ciraaq ee Al-Axad ayaa lagu sheegay in 9 ka tirsan ciidamada Ciraaq lagu dilay weerarada.

Sarkaal katirsan Pentagon-ka oo beeniyay dhacdadaan ayaa wareysi uu siiyay Fox News, wuxuu sheegay in Mareykanku uusan wax weerar ah ka fulinin meel u dhow Magaalada Baqdaad.