howlgalo ka socda duleedka Boosaaso

Ciidamada kala-duwan ee Dowlad Goboleedka Puntland oo kala ah Madaxyooyada, Daraawiish, PSF ,PMPF, iyo ciidamada kale ee Amniga ayaa Hawl-galkii ugu dambeeyey ka wada duleedka Magaalada Boosaaso.

Howlgalka ayaa waxaa ay ku baadi goobayaan Xubnaha ka tirsa  Ururka Al-Shabaab ee weerarka habeen ka hor ku qaaday Jeelka Weyn Ee Magalada Boosaaso, isla markaama ka siidaayay Maxaabiis farabadan.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay howlgalka sigaar ah uga wadaan dhulka Buural3yda ah, waxaana jira dagaalo goos goos ah oo ka dhacay degaannada ay howlgallada ka socdaan.

Shalay Gelinkii dambe dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari waxaa ka dhacay dagaal saa ado badan qaatay oo dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab, waxaana Puntland ay soo bandhigtay rag ay ku qabatay dagaalkaas.