Madaxda dowlada Oo mudo kororsi looga digay

Boqortooyada  Ingiriiska ayaa madaxda Soomaalida ugu baaqday in ay isu yimaaddaan, isla markaana ay hehsiis ka gaaran arrimaha doorashooyin ka oo weli khilaaf ka taagan yahay.

Qoraal  kooban oo la soo dhigay Barta twitter-ka ee Safaaradda Uk ee Muqdisho  ayaa waxaa lagu sheegayin aysan taageeri doonin muddo kordhin, doorashooyin aan loo dhammayn iyo kuwo isbarbar socda midna.

“Boqortooyada Midowday (UK) ma taageeri doonto ficilada u horseedaya geedi socodka doorashooyinka qayb ahaan ama isbarbar socda, ama si toos ah loogu kordhiyo mudada ayaa lagu yir” Warka kasoo baxay dowladda Ingiriiska.

Hadalka UK ayaa imanaya xilli ay Baarlamanka Soomaaliya u ballansan yihiin kulan weyne aad loo hadal hayo, sidoo kalena weli aan wax heshiis ah laga gaarin  doorashada Soomaaliya.