Puntland Oo xukun riday

Maxkamadda darajada kowaad ee Gobolka Gardafuu  ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa xukunno kala duwan ku ridday doonyo kalluumeysi, kuwaas oo la sheegay inay si sharci darro ah u kalluumeysanayeen.

Doonyahaan oo Saddex ah ayaa waxaa  laga leeyahay dalka Yemen, waxaana laga soo  qabtay meelo kamid ah xeebaha Puntland, iyada oo laba kamid ah Doonyaha xukun lacageed lagu riday halka mida Saddexaad la fasaxay kadib markii dambi lagu waayay.

Labada Doonyood ee xukunka lacagta ah lagu riday ayaa waxaa ay kala yihiin Al-Dayaa iyo Al-Lascaa, waxaana tan koowaad lagu ganaaxay $9 kun oo Dollar, halka tan labaad lagu ganaaxay $8 kun oo Dollar., iyada oo la fasaxay Doonta saddexaad oo lagu magacaabo Al-Hilaal.

Sidoo kale, kalluunka saaran doonyaha Al-Dayaa iyo Al-Lascaa ayaa maxkamaddu xukuntay in dowladdu la wareegto maadaama si sharci-darro ah lagu soo jillaabtay kallunkaas.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Badda Puntland waxaa ay wadeen howlgallo ka dhan ah Maraakiibta iyo Doonyaha Shisheeye, kuwaas oo si sharci darro uga kalluumeysanaya Xeebaha Maamulka Puntland.