Ciidamo gadoodsan oo lawaregay Saldhig ciidan Puntland

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraaawiishta dowlad Goboleedka Puntland, kuwaas oo gadoodsan kana cabanaya mushaar la’aan ayaa Bar-koontorool oo lacago lagu qaado dhigtay wadada xiriirosa Garoowe iyo Gaalkacyo.

Ciidamadaan ayaa xirtay wadada, iyaga oo mas’uuliyin ka tirsan Puntland u diiday in ay isticmaalaan laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo, gaar ahaanna nawaaxiga degaanka Xarfo ee Gobolka Mudug, sida ay Warbaahinta u sheegeen dadka degaanka.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada gadooday ayaa waxaa ay sheegeen in ilaa iyo xaquuqda ka maqan laga siinayo aysan mas’uuliyiinta Puntland u ogolaan doonin inay wadada maraan ayna goobta sii joogi doonaan.

Mas’uuliyiinta Puntland oo ay Ciidamada ishor-istaaga ku sameeyeen ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Abgaal oo doonayay in uu wadadaas isticmaalo, isaga oo dib ugu laabtay Magaalada Garoowe.

Dhowr jeer ayaa Ciidamo ka tirsan Puntland waxaa ay sameeyeen gadood ciidan, iyaga oo ka cabanayay mushaar la’aan, hayeeshee markii dambe la xaliyay.