Shir muqdisho ka furmay

Shirkan ayaa hotel ku yaala Xeendaabka Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho waxaa uu uga furmay madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed iyo Xubnaha Madasha Badbaadada Qaran ee uu horkacayo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Kulanka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii kulamo saacadihii la soo dhaafay ay Muqdisho ku yeesheen Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed ay ku gaareen is-afgarad la xiriira sidii loo qancin lahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ku saabsan dhanka doorashooyinka iyo sidii  Ahande loo dhan yahay looga hadli lahaa shirweynaha loo balansan yahay oo la filayo in uu dhex-maro Madaxda dowladda & dowlad Goboledyada ee lagu qabanayo xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka socday kulamo gaar gar ah oo u dhaxeeyay madaxda dowlad goboleedyada Xubnaha Madasha Badbaadada Qaran iyo Siyaasiyiin kale si loo dhameeyo khilaafka ka jira doorashooyinka Soomaaliya.