Lacag katimid kenya Oo gacanta lagu dhigay

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay ku qabteen lacag si sharci daro ah dalka oo loo soo galiyay oo ka timid dalka kenya.

Dowladda Soomaaliya ma sheegin cida wadatay lacagta iyo cadadka, balse waxay sheegtay in caddaalad la marsiin doono cidii ka dambeysay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war uu saaray sidaan u qornaa:

Saaka abaare 09:00 AM, ayaa Ciidanka Saldhiga Boliiska Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ay gacanta ku soo dhigeen cadad lacag ah oo Dollar ah, taas oo ay siday diyaarad ka mid ah kuwa u kala goosha Muqdisho iyo Nayroobi.

Lacagtaas oo la rabay in sifo sharci daro ah dalka lagu soo galsho, taas oo lid ku ah shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Cadadka lacagtaas iyo eedeysanihii waday, ayeey Ciidanka Boliisku gacanta ku hayaan, iyada oo baaris ku socoto cadaadana la horgeyndoono.

Waan bogaadinaynaa Ciidanka Boliiska iyo Howlwadeenada kale ee ka howlgala Garoonka, sida ay u guteen waajibaadkooda shaqo.