Dowlada oo sheegtay in uusan waxba iska bedelin Go’aankii Golaha Shacabka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheEgay inay muhiim tahay in doorashada Soomaaliya nooceey ahaataba ay noqoto mid xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay.

Wasiirka oo la hadla BBC-da ayaa isaga oo faah faahinayay Kulanka Madaxweyne Farmaajo uu la qaatay dhigiisa dalka Koongo waxaa uu sheegay in aan laga hadlin Go’aankii Golaha Shacabka, isla markaana weli u yahay sidiisii, isla markaana uusan waxba iska bedelin.

“ Doorashada mid dadban iyo mid toos ahba waa inay ahaataa mid la isku raacsan yahay oo natiijadeeda ay noqoto mid dadka oo dhan ay ku qanci karaan, waxna ismaka bedelin go’aankii uu garay baarlamaanka ayuu yiri” Wasiir Cabdirisaaq.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli inta badan Siyaasiyiita mucaaradka iyo Beesha Caalamka ay kasoo horjeesteen Go’aankii muddo kordhinta ahaa oo ay sameeyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.