Jubbaland oo cambaareysay duqeymaha Ciidamada Kenya ka geysteen Gobolka Gedo

Madaxweyne kuxigeenka  Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha amniga Jubbaland, kaas oo bishiiba mar qabsooma islamarkaana looga hadlo xaaladda Amniga guud ee deegaannada Jubbaland.

Sidoo kale waxaa kulanka ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee qaybta ka ah golaha Amniga, Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Jubbaland, kuwa Xooga Dalka iyo  ciidamada qaybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Waxaana kulanka diiradda lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Xoojinta la dagaallanka Al-Shabaab, Xoreynta Gobolka Jubbadda dhexe iyo deegaanada kale ee ka maqan gacanta Jubbaland  iyo udiyaar garowga sugidda Amniga doorashooyinka dalka  qaybta kaga aaddan Jubbaland.

Waxaa sidoo kale shirka ad loogu cambareeyay duqaymihii kadhacay degaanka ceelcade iyo degaanno hostaga  Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaas oo ay ku wax yeeloobeen Shacabka halkaa kudhaqan iyo hantidooda, waxayna dowlada dhexe ugu baaqeen in ay arinkaasi wax ka qabato.