Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo digniin soo saaray

Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maanta kormeer ku tegay Xeebta Curubo ee degmada Shangani ayaa sheegay in Goobtaas ay noqotay mid dadka ay ku shuban qashin farabadan, kaasi oo keeni kara Caafimaad darro.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in goobaha qaar ay bulshada ku shubayan qashinka ay yihiin goobihii ay ku faani lahaayeen ee loogu talo galay dalxiiska, taasina Maamulka Gobolka Banaadir u dulqaadan doonin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa Bulshada uga digay in ay qashin ku shubaan Goobaha qaar ee magaalada taasi oo wax u dhibeeysa bilicda Caasimadda.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa kusoo aadayaa xilli Goobaha qaar ee Magaalada Muqdisho dadka ay ku shubaan qashin farabadan, isla markaana ay keenaan nadaafad darro baahsan.