Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta  Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa la kulmay wefdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya o booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa waxaa ay hadleen xoojinta xiriirka & Iskaashiga labada dal iyo dib u furista safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya oo muddooyinkii ugu dambeeyay xiran.

  1. Wafdiga ayaa uga mahad celiyay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha soo dhawyenta loo sameeyay, iyaga oo sheegay inay kordhin doonaan taageerada ay siiyan dowladda Soomaliya.