Muuse biix oo lakulmay Guddigii ka Shaqeeyay doorashooyinka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay Toddobada xubnood ee guddida Doorashooyinka, kuwaas oo la sheegay inay hirgeliyeen doorasho hufan oo si weyn kor ugu qaadday sumcadda iyo Dimuqraaddiyadda.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu ugu horrayn xubnaha Komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay doorashadii ka hirgeliyeen, xilkasnimadii iyo dhabar-adaygii ay sameeyeen, waxana uu yiri,“Anigoo ku hadlaya Afka qaranka, waxan idiinku yeeray in dhammaan umadda reer Somaliland ay idiinka mahadnaqayso sidii wanaagsanayd ee aad doorashada u maamusheen, waxannu idiinka mahadnaqaynaa dhibaatadii, soo jeedkii culayskii aad u dhabar-adaygteen iyo garsoorkii aad samayseen iyo dadkii baratamayey kii soo baxay iyo kii aan tiradiisu intii lagu soo baxayey gaarinba ay raallida ka ahaayeen iyo sidaad u shaqayseen, idinkana qarankiinnu waa abaal iyo mudnaan uu idiin ogyahay.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay shaqaalihii iyo hawlwadeennadii ka shaqeeyey doorashooyinkii qabsoomay, isaga oo caddeeyey inay si qiime leh uga soo baxeen masuuliyaddii la saaray ee heer qaran ahayd, muhiimaddeedana lahayd, isaga oo sidoo kale axsaabta , gaar ahaan kuwa mucaaradka ahna ku bogaadiyey kaalintooda.

Shacabka reer Somaliland, ayuu madaxweynuhu ugaga mahadnaqay sida nabadgelyada leh ee ay doorashada uga qaybqaateen, isaga oo sidoo kalena Beesha caalamka iyo cidkasta oo doorashadaas si uun gacan uga geysatayna bogaadiyey.

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka u diray farriin ku saabsan doorashooyinka shir-guddoonka golaha wakiillada, Maayarrada iyo ku-xigeennada degmooyinka dalka, waxana uu sheegay inay ka go’an tahay madaxweyne ahaan in dhammaan hawlahaasi si milgo leh oo bilaa cunfi ah kusoo dhammaan doonaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri, “Shacabka waxan ugu bushaaraynayaa sidaan ku talo-galay doorashooyinka haray ee maayarrada, ku-xigeennadooda iyo xubnaha loo dooran doono shir-guddoonka wakiilladdu inay Ilaahay idamkii ku dhammaan doonaan nabaddaas nabaddeeda iyo sharaftaas iyo walaal qaado iyo adigu qaado, taasaanan ka shaqaynayaa inaynu helno, xisbiyadana taasaan usoo jeedinayaa.”