Madaxda maamulada oo tegaya Muqdisho

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah ku wajahan magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni, wuxu Muqdisho kaga qayb-gelaya shir ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashada Soomaaliya, kaas oo dhexmaraya madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Waxaa sidoo kale maanta Muqdisho soo gaari qaar ka mid ah maamulada kale ee dalka.

Shirka waxa ka qayb-galay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxda shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkaas ayaa sida qorshaysan Sabtida berri ah ka furmi doona magaalada Muqdisho.