Dagaal ka dhacay Gobolka Mudug

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo degaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka  Mudug ku dhex-maray Ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug & Al-Shabaab.

Dagaalka oo socday in ka badan laba saacadood ayaa bilaawday kadib markii Al-Shabaab ay weerar qarax ku bilaawday ku qaadeen saldhiga Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug ku leeyihiin afaafka hore ee degaanka Wisil, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Al-Shabaab ayaa goor siihoreysay sheegay inay la wareegeen degaanka Wisil ee Gobolka Mudug, hayeeshee Saraakiil ka tirsan Ciidamada Darawaashta Galmudug ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii Al-Shabaab, isla markaana ay dib uga laabteen degaanka.

Warraka la helayo ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalka kasoo gaaray labada dhinac, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in xaalad kacsanaan ah ay weli kajirto degaanka Wisil ee Gobolka Mudug.

Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda qeybta 21aad iyo kuwa daraawiishta Galmudug ay duleedka degaanka Wisil ka wadaan howlgallo kala duwan, iyaga oo baadi goobaya Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee degaanka soo weeraray.