Ciidanka Dowladda oo howlgalo ka sameeyay degaano ka tirsan Sh/Hoose

Ciidanka kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ee DANAB ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo qorsheysan ka sameeyeen deegaano hoostega degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada Xoogga ayaa howlgalkaas sigaar ah uga fuliyay deegaanada kala ah Maracada, Wargodka, Luuq Xaluul, iyo deegaano hoostega Arbacow, halkaas oo la sheegay in xiliyada qaar ay tegaan xubno ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha hoggaaminayay howlgalka Ciidanka Cabdullaahi Mustafa Madaale-Qaran oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay in Ujeedka howlgalkaas la sameeyay uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga deegaanada ay Ciidanka tageen.

Waxaa uu sheegay Taliye Cabdullaahi Mustafa in howlgalka uu sii socon doono, isla markaana ay ku doonayaan inay ku gaaraan degaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo ku sugan yihiin Al-shabaab.

Si kastaba deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhowr jeer howlgalo qorsheysan ka sameeyay Ciidanka dowladda Federaalka, waxaana halkaas ka dhacay dagaalo iyo weeraro geystay khasaaro kala duwan.