Xiisad dagaal oo ka taagan Beledweyne

Xiisad ayaa saaka ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib iska hor’imaadyo xaley saqdii dhexe ka dhacay halkaas.

Rasaas goos goos ah ayaa xaley laga maqlayay gudaha magaalada kadib markii uu dagaalka ka bilowday xaafado ku yaalla Beledweyne.

Iska hor’imaadyadaasi waxay dhex mareen ciidamada dawladda iyo miliishiyo taabacsan Janaraal Abuukar Xuud oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabelle.

Dad kala duwan oo ku sugan Beledweyne ayaa BBC u sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay dagaalka inkasta oo aanan si rasmi ah oo loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Arrintan ayaa imaaneysaa xilli Beledweyne ay gaareen xubno ka tirsan wasiirada maamulka Hirshabeelle , waxaana halkaas sii joogay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Xagar Dabageed xilli ay sheegeen in shir golaha wasiirada ay leeyihiin lagu qaban doono Beledweyne.