Ciidanka dowlada oo baadi goobaya maleeshiyaad dil geystay

Ciidamada Amaanka Dowlada Fderaalka & kuwa Maamulka Galmudug aya aaga Deegaanka saax qurun ka baadigoobaya Kooxdii ka dambeysay dilkii Dadka isku Qoyska ahaa loogu geystay Gudaha Deegaanka Saax Qurun Ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay in heleen xog ku Aadan halka ay ku sugan yihiin Isla markaana gacanta ay kusoo dhigi doonaan

Saraaikisha waxay sheegeen in Kooxdii ka dambeysay dilka Dadka Shacabka ay hadda ku sugan yihiin Tuuloyin hoostaga degmada Goldogob ee Gobolka Mudug  Dhanka Puntland

Soo qabashada Kooxdaasi ayey sheegeen iney kala qeyb qaadanayaan Ciidamada Ka tirsan Puntlan, isla markaana ay rajeynayaan inay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka dadka rayidka ah.

Habeen kahor ayaa maleeshiyaad hubeysan waxaa ay duleedka degaanka sax qurun ee Gobolka Mudug ku dileen Aabe iyo laba Carruur ah oo uu dhalay, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.