Shir looga hadlayo ka hortaga waxyabah manka doriya oo ka socda muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar kulan aan caadi aheyn kula qaatay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Wakiilada Guddiga Abaabulka iyo Wacyigelinta Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Wecyigelinta Bulshada, Sugida Amniga Bulshada, ka hortaga Waxyaabaha Maanka dooriya iyo Bilicda Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa la isla gartay in Guddiyo heer kala gedisan loo xilsaaro Wacyigelinta, Ka hortaga mukhaadaraadka iyo sugida Amniga Shacabka kuwaasi oo todobaadyada soo socda ka howlgali doonna Muqdisho.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee G/Banaadir, Guddoomiyaha Guddiga Abaabulka iyo Wacyigelinta Qaranka iyo Agaasimeyaal ka tirsan Dowlada Hoose ee Xamar.

Shirka ayaa la isla gartay in Guddiyo heer kala gedisan loo xilsaaro Wacyigelinta, Ka hortaga mukhaadaraadka iyo sugida Amniga Shacabka kuwaasi oo todobaadyada soo socda ka howlgali doonna Muqdisho.