Golaha wadatashiga Qaran & Gudiyada doorashooyinka dalka oo kulan yeelanaya

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Xubnaha Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka  iyo guddiyada doorashooyinka heer Federaal & heer dowlad goboleed inay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacaya Teendhada Afisiyooni ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in looga hadlayo  tabashada ay guddiga doorasahda Heer federal ka qabaan habraaca ay shalay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran ee la xiriira doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo hirgalin lahaa habraacyada doorashooyinka dalka sida Amniga, Maaliyada, Xulista ergooyinka, Qoondada haweenka iyo habraacyada xildhibaanada aqalka sare ee Somaliland.

Golaha wadatashiga Qaran aya Warmurtiyeedkii ay shalay Gelinkii dambe kasoo sareen shirkii uga socday Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hoos loogu dhigay awooda Guddiga doorashooyinka Heer Federaal, iyada oo awood buuxda la siiyay guddiyada doorashada heer dowlad goboleed.