Dowladda Itoobiya oo dhaqaalo la’aan soo wajahday

Waddanka Itoobiya oo ka mid ah dalalka Afrika ee uu dhaqaalahoodu aadka u kobcayay 10-kii sanadood ee la soo dhaafay, ayaa haatan waxa uu la daalaa dhacayaa caqabado badan oo dhaqaale.

Caqabadahaas waxaa ka mid ah gabaabsi xooggan oo dhanka lacagaha qalaad ah, nolosha oo qaali ah iyo dayn badan, halka ay ugu dambaysay colaadda ka socota gobolka Tigray.

Ganacsatada ku nool gudaha waddanka Itoobiya ayaa rajo ka qaba in dhaqaalaha uu soo hagaagi doono.