Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay laba Safiir

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday  ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo safiirrada cusub ee Midowga Yurub Marwo Tiina Intelmann iyo dowladda Shiinaha Mudane FEI Shengchao.

Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub Marwo Tiina Intelmann ayaa Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexaya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyada oo bogaadisay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay ee dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidammada, dhaqaalaha, deyn cafiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.