Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar oo booqasho ku tegay Afganistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Qatar Maxamed Bin C/raxmaan Althani ayaa booqasho ku tegay caasimada dalka Afganistan ee Kabul, isagoo Kulamo la leh Hoggaamiyayaasha Taalibaan.

Afhayeenka Taalibaan, Suhayl Shahiin ayaa u xaqiijiyey Suxufiyiinta booqashada Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Qatar, wuxuuna xusay inuu Kulamo la leeyahay Madaxa Dowladda Imaaradda Islaamiga Afganistan, Maxamed Xasan Akhund.

Afhayeenka ma bixinin Faahfaahin dheeraad oo ku Aadan qoddobadii looga hadlay Shirkaasi.