Maamul goboleedyada oo Garowe ku shiraya

Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed ee kajira dalka ayaa waxaa la filayaa in todobaad kadib ay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ku yeeshaan shir ay uga hadlayaan Arrimo dhowr ah.

Shir ay xalay dhinaca khadka Internet-ka ee Aalada (Zoomka) ku yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ay ku iclaamiyeen in ay shir ku yeeshaan Magaalada Garoowe 21 ilaa 23 September 202.

Sbirka ayaa waxaa.la filayaa in Madaxda dowlad Goboleedyada inay uga arrinsadaan si dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Guud ee xilligaan Dalka.

Wararka kale ee Risaala ka heleyso shirka ayaa waxaa ay sheegayaan in sidoo kale dowlad Goboleedyada ay ka hadli doono khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo saameyn ku yeelan kara howlaha doorashooyinka ah ee socda