Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo la kumay Qubaro ka socday Midowga Afrika

Guddiga maamulka doorashooyinka heer federaal ee uu horkacayo Gudoomiyaha Gudiga Maxamed Xasan Cirro ayaa Maanta Muqdisho kullan kula yeeshay qubaro dhanka farsamada oo ka socda Midowga Afrika.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay Warbixino la xiriira habka maareynta doorashooyinka ka dhageysteen farsamada ee ka socday Midowga Afrika, si loo dardar geliyo doorashooyinka dalka.

Wafdiga ka socda Gudiga farsamo ee Midowga Afrika aya ku booriyay Guddiga maamulka doorashooyinka heer federaal inay ku dadaalan sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka Heer Federal Maxamed Xasan cirro ayaa uga mahad celiyay qubarada  dhanka farsamada ee ka socda Midowga Afrika, kuwaas oo uu sheegay inay ka fa’iideyn wax badan oo la xiriiray dhanka hirgelinta doorashooyinka.

Guddiga Maamulka doorashooyinka heer federaal ayaa waxaa ay horay u soo mareen qaar kamid ah dowlad Goboleeyada dalka kajira, iyaga oo la tashiyo la sameeynayay Maamulada, si loo bilaabo doorashada Golaha Shacabka.