Ciidamada Kenya oo gacanta ku dhigay hub iyo Rag watay

Ciidamada Hay’adda Dambi baarista dalka Kenya ee DCI  ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Hub iyo rasaas fara badan, kuwaas oo lagu qariyey Vuri kuyaal degaanka Garbatulla, ismaamulka Isiolo.

Howlgal gaar ah oo ay Ciidamadu ka sameeyeen  barqanimadii Maanta guri ku yaal duleedka magaalada Kinna ayay Cidamadu kusoo qabteen Saddex qori oo AK-47 ah, hal qori Mark4 ah, 203 wareeg oo ah 7.62X39mm callibre khaas ah iyo sagaal wargeys oo AK-47 ah iyo rag watay.

Sidoo kale War kasoo baxay Hay’adda Dambi baarista dalka Kenya ee DCI ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamadu qabteen  lix dhagax oo xashiish ah h iyo laba mooto oo aan taargo ahayn, oo looga shakisan yahay in ay ka baxsadaan dadka la tuhunsan yahay oo watay.

Dadka howlgalka lagu qabtay ayaa waxaa ay kala yihiin  Cabdi Guyo oo 35 jir ah iyo Aamina Maxamed oo 30 jir ah, kuwaas oo hataan ay su’aalo weeydiinayaan ayaa sidoo kale la xiray weerarkii aroort Dambi baarayaasha fadhigoodu yahay Mavaalada Garbatulla.