Farmaajo oo goordhow u safray Itoobiya

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday  ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka duulay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, isaga u safray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Farmaajo ayaa kamid noqday Madaxda lagu casuumay caleema saarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo bishii June Xisbigiisa ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Addis Ababa waxaa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa Madaxda kale ee ka qeyb galeysa Caleema saarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Socdaalka Farmaajo ee Addis Ababa ayaa noqonaya kii u horreeyay oo dal dibadda ah ugu ambabaxo, tan iyo wixii ka dambeeyay 25 April qalalaasihii iyo iska hor imaadyadii ka dhacay Muqdisho ee sababay inuu ka laabto muddo kororsigii labada sannada ahaa.