Somaliland iyo dowlad deegaanka oo ka wadahadlay Ammaanka

Taliyeyaasha Booliska Somaliland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa kulan looga hadlayay xoojinta ammaanka  ku yeeshay magaalo xuduudeedka Jawaale gaar ahaan dhanka Somailand.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto maxamed Aadan Saqadhi iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Sarreeye Guuto Maxamed Cali Xasan,ayuu kulankoodu ka mid yahay iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dawladood iyo isku xidhka ammaanka labada dal.
Kulankan labada Taliye Yeesheen ayaa ka qabsoomay dhinaca xuduuda Somaliland
Geesta kale waxa kulankaas Taliyaasha ku wehelinaayey Safiirka Dawaladda Itoobiya u fadhiya Somaliland.
Labada Taliye ayaa ka wada hadley sidii loo xoojin lahaa ka wada shaqaynta Nabadgalyada iyo iskaashiga labada Dawladood ee Dhinaca Ammaanka
Taliyaha Boolisku wuxuu soo kormeeray mashuura beeraha banka wajaale ee ciidanka booliska oo dalagyo badani ciidanka uga soo go’een,dalagyadaas oo wax badan ta tari doona dhanka isku filnaanshaha raashinka ee ciidanka booliska Somaliland