Rooble oo Isbitaalka ku booqday dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ku dhaawacmay qarax shalay Al-Shabaab la beegsadeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macallimuu oo xaaladdiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad deg deg ah.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta daweyneysa afhayeenka Xukuumadda, kuwaas oo u sheegay in xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa dhowr jeer oo hore ka badbaaday qaraxyo lala beegsaday Goobo uu ku sugnaa, balse qaraxaan uu ahaa mid isaga ai toos ah loola beegsaday.