Dowladaha Somalia iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay la-dagaalanka Al-Shabaab

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda xilgaarsiinta Xil. Cabdullaahi Maxamad Nuur oo ku sugan dalka Sacuudi carabiya ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qaatay  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Saud bin Nayef.

 

Wasiirka Amniga oo Casuumaad rasmiya kahelay Wasiirka Arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa waxaa ay kawada hadleen Arrimaha la xiriira iskaashiga amniga, ladagaalanka argagixisada iyo adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dal.

 

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda xilgaarsiinta Xil. Cabdullaahi Maxamad Nuur ayaa uga mahad celiyay dowladda Sacuudiga taageerada ay had iyo jaar la garab taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya ee dagaalka kula jirta Al-Shabaab.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Saud bin Nayef ayaa dhankiisa sheegay in Sacuudiga uu xoojin doono wada-shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ay kordhin doonto taageerada dhaqaale iyo midda amni oo ay siiso dowladda Soomaaliya.

 

Dowladda Sacuudiga ayaa kamid ah saaxiibada Soomaaliya,iyada oo ka taageerta dhinacyada Amniga Dhaqaalaha, sidoo kalena ay dhawaan dib u furtay Xoolaha looga dhoofin jiray Soomaaliya.