Safiirka Qatar ee Somalia oo gaaray hargeysa balan qaadna sameeyay

Madaxweyne-ku-xigeenka  Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa soo dhaweeyey safiirka Qatar ee Soomaaliya Amb. Hassan Bin Hamza Hashem oo Maanta gaaray Magaalada Hargeysa.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay wehelinayaan guddida gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa safiirka geeyey bartamaha suuqa gubtay ee Waaheen oo ay weli ka socoto nadiifinta haraaga hantidii gubatay, waxana uu safiirku indhihiisa ku arkay inta ay le’eg tahay dhibaatada dabku geystay, isaga oo muujiyey sida uu uga xun yahay dhibka gaaray dhaqaalihii bulshada reer Somaliland ee halkaas ku ganacsan jirtay.