Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay hey’addaha Samafalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Ahmed Mohamed Islaam ayaa la kulmay wakiilada hay’adaha kala duwan ee ka howlagala deegaanada Jubaland.

Kulankan waxaa diiradda lagu saarayey sidii hay’adaha ka howlagala guud ahaan Jubaland ay gacan oga geysan lahaayeen taakuleeynta dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanada Jubaland iyadoo oo la faray hay’adaha in Degmooyinka cusub ee Jubaland kusoo kordhay sida Buurdhuubo iyo Dhoobley ay gaarsiiyaan mashariicyada hormarineeyd iyo adeegyada aas aasiga ah.