Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo war kasoo saaray Xiisada ka taagan Hargeysa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa war kasoo saaray xiisadda ka taagan magaalada Hargeysa, waxaa uu ku baaqay xasilooni.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu ka xun yahay dhibaatadii ka dhacday labadii maalmood ee la soo dhaafay qeybo kamid ah magaalooyinka Somaliland ee sababtay dhibaatada soo gaartay dadka shacabka ah.