230 Muhaajiriin ah oo wali ku xayiran Malta

Dooni Sidda In ka badan 230 Muhaajiriin ah ayaa wali ku xiran xeebaha dalka Malta ka dib markii dowladda dalkaasi ay sheegtay in aysan qaabili doonin Qaxooti.

Dowladda waxa ay sheegtay in aysan awoodin tiradda Qaxootiga Afrikaanka ah ee dalkaasi soo galaya.

Ra’isal wasaaraha Malta ayaa sheegay in uusan Talyaaniga xaq uma laheyn inuu Malta weydiiyo iney muhaajiriintaasi ay maraakiibta samafalayaashu soo badbaadiyeen qaabisho.

Matteo Salvini Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga ayaa wuxuu sheegay Malta iney qaabisho 226 muhaajiriinta ah balse shaqaalaha doonta wada ay xirto.

Balse madaxda dalka Malta ayaa si kulul uga jawaabtay hadalka talyaaniga ka soo yeeray iyaga oo shegay “waddan madax bannaan ayeynu nahay cidna nooma yeerin karto waxa aan sameyneyno iyo wax aanan dooneyn inaan sameyno midna”

Dhacda noocan oo kala ah horraanti bishan waxuu Talyaaniga uu Spain ku aaddiyey 630 Muhaajiriin ah oo uu Talyaanigu diiday inuu qaabilo.