Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad-goboleedyada, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan sagootin ah u sameeyay 25 shaqaale oo ka kala socda Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad-goboleedyada, kuwaas oo tababar ku saabsan u diyaar-garowga, ka hortagga iyo ka jawaabista fatahaadaha ku soo qaadan doona Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay’adaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya maareynta musiibooyinka, iyadoo ujeeddadiisu tahay in la kobciyo aqoonta iyo xirfadaha farsamo ee saraakiisha si ay si hufan ugu wajahaan khataraha fatahaadaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ku soo noqnoqda.
Dirista shaqaalahan ayaa ku soo beegmaysa xilli hay’adaha saadaasha hawadu ay ka digeen suurtagalnimada roobab culus oo la xiriira xilliga Dayrta iyo saameynta ifafaalaha Super El Niño, kuwaas oo la filayo inay sababaan fatahaado iyo daadad saameyn ku yeesha deegaanno kala duwan oo dalka ah. Sidaas darteed, tababarkani wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa sare u qaadidda heerka u diyaar-garowga hay’adaha dowladda ee ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta aqoonta iyo tayeynta shaqaalaha ka shaqeeya maareynta musiibooyinka, si loo dhiso hay’ado leh awood iyo karti ay ku badbaadin karaan nolosha iyo hantida shacabka marka ay dhacaan musiibooyinka dabiiciga ah.
Guddoomiyuhu wuxuu saraakiisha kula dardaarmay inay muujiyaan hufnaan, anshax wanaagsan, karti iyo waddaniyad inta ay ku guda jiraan tababarka, iyagoo matalaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ku boorriyay inay si buuxda uga faa’iideystaan fursaddan waxbarasho, islamarkaana marka ay dalka dib ugu soo laabtaan ay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay ka soo kororsadaan la wadaagaan hay’adaha iyo shaqaalaha ay ka tirsan yihiin.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA ayaa xusay in dhismaha awoodda shaqaalaha iyo wadaagga aqoonta ay laf-dhabar u yihiin xoojinta nidaamka qaran ee u diyaar-garowga, ka hortagga iyo ka jawaabista musiibooyinka, gaar ahaan fatahaadaha ka dhasha roobabka, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha masiibooyinka loona ilaaliyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.