Baarlamaanka Uganda oo u yeeray Wasiirka Difaaca si wax looga weydiiyo weerarkii Buulo Mareer

Baarlamaanka dalka Uganda ayaa waxa ay u yeereen Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi, si wax looga weydiiyo weerarkii ururka Al-shabaab 1-dii bishan ay ku qaadeen fariisin Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin degaanka Buula Mareer oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye kuxigeenka Baarlamanka Uganda Jocup Olenya oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay u yeereen Wasiirka Difaaca, oo Mudanayaasha ay wax ka weydiinayaan weerarkii Buula Mareer, si loo helo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo magacyada Askartii ku geeryootay.

Dowladda Uganda ayaanan weli shaacin khasaaraha dhabta ah ee Ciidamadooda ka soo gaaray weerarkii Buula Mareer, maadaama shacabka ay u baahan yihiin in ay ogaadaan tirada saxda ah ee weeraraasi ku geeryootay.

“Dadka waxay u baahan yihiin in ay ogaadaan weerarkaasi khasaarihiisa, Xukuumadda weli kama aanay hadlin, sidaasi darteed waxaan u yeernay Wasiirka Gaashaandhigga, si arrintan wax looga weydiiyo.” Ayuu yiri Guddoomiye Jocup Olenya.

Saraakiisha Ciidanka Uganda oo weerarkaasi ka hadlay ayaa ku faanay inay qabsadeen gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada Shabaab, sidoo kalena intii uu socday dagaalka ay ku qabsadeen hub Shabaab ay lahaayeen.

Ururka Al-shabaab ayaa waxa ay sheegeen weerarkii Buula Mareer in ay ku dileen 59 Askari oo AMISOM ahaa, balse Dowladda Uganda oo dagaalkan uu qabsaday ciidankooda ayaa waxa ay beenisay warkan, waxayna tilmaamtay in ay dishay 22 Shabaab ah.