27 Kun oo Arday Oo Maanta ufariisan Doonta imtixaanka Shahaadiga, Ah ee dugsiyada Sare

Qeybo ka mid ah Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu waddaa in maanta ardayda dugsiyadda Sare ay u fadhiistaan Imtixaanka dowladda ee shahaadiga ah.

In ka badan 27 Kun oo Arday ayaa maanta u fariisinaya Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee dowladda ay qaadeyso sidda uu horay u shaaciyay Wasiirka waxbarashadda Soomaaliya.

Goobaha Imtixaanka lagu galaayo ayaa shalay oo Jimco aheyd waxaa la wareegay ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu waddaa in ay kormeeraan Goobaha ay lagu qaadaayo Imtixaanka.

Imtixaanka ayaa si rasmi ah maanta kaga bilaaban doona gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.