Wefdi isugu jira Wasiirro, Xillibaano, Maamulada G/Hiiraan iyo kan D/Matabaan iyo Masuuliyiin ka socotay hey’adda IOM ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay Magaaladda Gerijir ee Gobolka Hiiraan.

 

 

 

 

 

Wefdi ka socday Dowladda Hirshabelle oo isugu jirray Wasiirro, Xillibaanno, Maamulka Gobolka Hiiraan, Maamulka Degmadda Matabaan iyo Masuliyiin ka socday hey’adda IOM ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay Magaaladda Gerijir ee Gobolka Hiiraan.

Wefdiga oo ay soo dhoweyeen Maamulka Gerijir iyo qeybaha Bulshadda ayaa kala ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Dowlaha hoose Hirshabelle Maxamuud Axmed Gacal, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Abdifatah Hassan Farah, Wasiiru Dowlaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Axmed Dahir Hashi (Dhagacadde), Wasiiru Dowlaha Patroolka iyo Macdanta Xillibaan Xasan Maxamuud Siyaad, Xillibaan Bile Cismaan Xuseen, Xillibaan Abdifatah Jamac Warsame (Jekeey), Gudoomiye ku xigeenka Fedralka iyo Dib u heshisiinta Maxamud Dhobooy, Gudoomiye ku xigeenka Degmadda Matabaan Abdikafi Shire, Masuliyiin ka socday hey’adda IOM oo uu horkacayay Maxamed Cumar Salaad iyo masuliyiin kale.

Maamulka Degmadda Gerijir oo ugu horeeyo Gudoomiye Afmadoobe iyo qeybaha Bulshadda ayaa Wefdiga yimid ka codsaday in la dhameystiro qorshaha Degmanimda Gerijir oo horey ay u balan qaadeen markii ay yimadeen Gerijir Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Abdirahaman Karoore.

Wasiirradda iyo Xillibaanadda ku matala Hirshabelle deegaano ay kamid tahay Gerijir ayaa goobta ka sheegay in Qorahaha Degmadda uu marayo meel wanaagsan ayna kamid tahay Degmooyinka sharuudaha looga baahnaa buuxiyay.

  1. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle Maxamuud Axmed Gacal ayaa dhankiisa Xusay in Gerijir uu ku yimid kormeerkii ugu danbeeyay ayna buuxisay sharuudihii laga rabay ee degmanimo hadana ay arinteeda hortaalo Golaha Wasiirradda Hirshabelle si ay hesho sharciga degamnida.