Tababar Wariyaal looga furay Degmada Cadaado oo lagu baranayo Tabinta Wararka Arimaha bulshada.

Tababar maanta uga furay Magaalada Cadaado in kabadan 20 suxufi ayaa waxa uu socondoonaa mudo sadax maalin ah kaas oo lagu baranaayo tabinta Wararka Arimaha bulshada.
 
Suxufiyiinta ka qeyb galaayo tababarkan ayaa ka kala yimid Magaalooyinka Dhuusamareeb Guraceel Caabudwaaq gaalkacyoa iyo Galdogob.
 
Xoghayaha Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan oo ka hadlay furitaanka Tababarka ayaa sheegay in tabababrkan uu ka duwan yahay tababarada kale,
 
“Tababarkaan waxaa lagu barandoonaaTabinta wararka arimaha bulshada waxaana ka faa,ideysanaya 20 suxufi oo ka kala yimid Deegaanada maamulada puntland iyo Galmudug” Ayuu yiri Xoghaye Maxamed Makaraan.
 
Maxamuud Cabdi Diirshe Agaasimaha Idaacada Codka Gobolada dhaxe, oo ku hadlaayay Afka suxufiyiinta ayaa si gaar ula dar daarmar suxufiyiinta maanta Daladda SOMA tababarka ugu Furtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
 
Xogeeyaha Dagmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Cabdiraxmaan Axmed Xirsi oo furay Tababarka ayaa sheegay in deegaan ahaan ay baahi weyn u qabaan tababarada noocaan ah,waxaana uu la dar daarmay.
 
Dhinaca kale Cabdiraxmaan Axmed Xirsi ayaa so dhaweeyay Tababarka Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ku qabatay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
 
Tababarka maanta ka furmay Magaalada Cadaado ayaa waxaa uu qeyb ka yahay Tababaro isdabajoog ah oo mudooyinkii Danbe ay daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ku qeybo kamid ah Maamul Goboleedyada Dalka,waxaana tababaradaan SOMA ka taageeraayay Hayadaha IMS iyo FOJA.