Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya Oo Is Casilay

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta waxa uu shaaciyey in uu iska casilay Xilkaas,isaga oo ku dhawaaqay in uu yahay musharax Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha ayaa cadeeyey in uu doonayo in uu noqdo guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo ay haatan isu sharaxeyn Xubno ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre.

Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegeen in qofkii ka mid ah golaha Wasiirada Soomaaliya ee isku soo sharaxaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya uu marka hore uu xilkaas iska casilo.

Maanta ayaa waxaa bilaawday diiwaangelinta musharixiinta u taagan qabashada xilka gudoomiyaha baarlaamanka Soomaaliya,waxaana xusid mudan in Xubno Wasiiro waaweyn ka haaya dowladda ay musharax u yihiin xilkaas kuwaas oo aan la ogeyn in ay is casili doonaan iyo in kale.