Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kormeeray Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee ku sugan Deegaanka Daaru-nimca ee gobolka Shabeellada dhexe.
Masuuliyiinta ayaa goob fagaare ah kula hadlay boqolaal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa dib u xoreynta deegaan iyagoo ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen cadowga AS  ah ee u taagan gumaadka iyo baabi,inta Ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ciidanka u sheegay in isaga iyo masuuliyiinta kale ay farimaha u joogaan hogaaminta dagaalka iyo dhiirigalinta Ciidanka.
Kormeerka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa masuuliyiin ay ka mid yihiin Sanater Afcadey, Agaasimaha Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Saraakiil kale.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa deeq xoolo ah ku wareejiyay Geesiyaasha Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee fadhigoodu yahay Daaru-nimca.
Kormeerka masuuliyiintaan ayaa kusoo aadaya xili maalintii shalay ahayd masuuliyiin kaladuwan oo iskugu jira heer faderaal iyo heer maamul goboleed ay tageen furimaha hore ee ay kusugan yihiin ciidamada xooga dalka iyo kuwa dib u xoraynta degaanka ee macawislayda