Madaxweyne Xasan Sheikh oo Khudbad ka jeediyay Shirka IGAD

Madaxweynaha Soomaaliya xasan sheikh maxamuud oo dalka Jabuuti uga qayb galat Meertada 41aad ee shirka Ururka Goboleedka IGAD ayaa ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay.
Madaxweynaha Ayaa ugu horayn uga mahadceliyay Doorta ay ka qaateen Dalalka Ku midaysan IGAD inay Soomaaliya ku biirto Ururka Bulshada Bariga Afrika iyo Qaadista Cunaqabataynta Hubka Oo Soomaaliya saarneed Mudo kudhow 32sano.
Madaxweynaha Ayaana yiri“Xubnaha Urur Goboleedka IGAD waxaan uga mahadcelinayaa taageerada ay siiyeen qaadista cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya iyo codsigeenni ku aaddanaa ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika, tallaabooyinka oo ka markhaati kacaya dadaalka aan ugu jirno xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo horumarsan”.
Shirka intii uu socday Ayaa Madaxda Ururka Goboleedka IGAD waxaa ay Warbixino ka dhagaysteen Masuuliyiin Kaladuwan
Madaxweynaha Dalka Xasan Sheikh Maxamuud oo jabuuti uga qayb galay shirkaan ayaa halkaasi Sido kale kulamo Duceedyo la qaatay Madaxdii kasoo Qayb Gashay Shirka.
+9
All reactions:

570