Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey oo kawada Hadlaya Xaalada Falastiin…

193 xubnood oo katirsan Golaha Ammaanka ayaa dalbaday kulan gaar ah oo ay uga hadlayaan xaaladda ka taagan Magaalada Gaza ee Dalka Falastiin oo ciidanka Yuhuudda duqeymo iyo dagaallo halkaas ay kawadaan.

Kulanka Golaha Ammaanka ayaa qabsoomaya Berri oo Talaado ah 12ka Deseember 2023 waxaana dood adag laga yeelanayaa xaaladaha adag ee ka taagan Magaalada Gaza oo Dadka ku nool ay wajahayaan duruufo kala duwan.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka Axaddii Shalay, kulankaan waxa uu noqonaya mid u gaar ah nabadgalyada iyo bani aadamnimada Magaalada Gaza oo ay ku sugan yihiin Shacabka ay dulmiyeen ciidanka Yuhuudda.

“Madaxweynaha Golaha Ammaanka Dennis Francis ayaa Dalalka xubnaha ka ah in uu qabsoomayo fadhiga 45aad ee Golahaan oo si gaar ah u quseeya arrimaha bani aadamnimada kaas oo dhacaya 12/12/2023 Talaadada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Golaha Ammaanka Dennis Francis.

Dalal dhowr ah ayaa gadaal ka riixaya qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in diiradda lagu saaro xaaladaha bani aadamnimo gaar ahaan gargaarka ay u baahan yihiin Shacabka Falastiin.

Inkasta oo haddii la go’aamiyo in gurmad loo diro Gaza aanay laga maarmeyn in xabbad-joojin lagu dhawaaqo balse waxaa tallaabadaas diidan Israaiil oo sheegtay in dagaalka iyo duqeynta ay sii wadeyso ilaa ay kasoo afjarto Xamaas waa sida ay aaminsan tahay.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dhowaan sheegay in aanay fududeyn soo afjaridda Xamaas oo waxa uu tilmaamay in ay qaadan karto ugu yaraan 10 sano muddadaasina ay Israaiil dhibaatooyin kala duwan kusoo gaarayaan.

Dhibaatooyinka Bini Aadanimo aad u daran ayaa ka dhashay Dagaalka Kasocda Marinka Qasa Iyo Aagag kale Kuwaasi oo ciidamada Gumaystaha ay Weeraro Gardaraa Ku qaadeen Xeryaha Barakacayaasha Iyo Goobaha Caafimaadka Dhimashaada Iyo dhaaawac ayaa Ah Mid Kor u dhaaftay 10 kun oo Ruux Falastiiniyiinta Oo ay Kujiraan Caruur.