MD kuxegeenka Puntland oo Weerar ku Qaaday Saciid Deni..

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo soo dhigay qoraal bartiisa Facebook ayaa Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku eedeeyey in uu isku koobay awooddii dowladda.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qoraalkiisa ku sheegay in bulshada reer Puntland ugu cadeenayo dhibaatada ka dhalan kara talaabo aan heshiis lagu ahayn haddii uu qaado Madaxweynaha Puntland.

“Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah  uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho,” sida uu ku yiri qoraalka ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Hadalka maanta ka soo yeeray Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadkii hore uu Madaxweynaha Puntland uu ku dhawaaqay in la aaday doorasho dadban.

Deni ayaa sheegay in uu soo magacaabi doona guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo la filayo in ay ka shaqeeyaan doorashada maamulkaas oo loo asteeyey in la qabto January 8, 2024-ka.

May be an image of 1 person and text