Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xarunta Madaxtooyadda Koonfur Galbeed uga qeyb galay Xaflad loogu dabbaal degayay sanad guurada 5-aad ee Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Xafladda ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha KGS. Wasiiro, Xildhibaano, Odayaasha dhaqanka, bahda suugaanta iyo marti kala duwan oo goobta lagu casuumay, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Khudbad ka jeedyay Munnaasabadda ayaa ka hadlay guulaha ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu horreyso, Barnaamijka Deyn-cafinta, Cunaqabteynta Hubka, iyo ku biirista Bulshada Bariga Afrika, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ammaanay dadaalka dalka looga xorreynaayo kooxda Khawaariijta oo meel wanagsan maraya, isagoo tilmaamay in Koonfur galbeed ay u diyaar garowday dagaalka lagula jiro dib u xorreynta degaannada ay go’doomiyeen AL-Shabaab.